Madaxweyne Joe Biden oo Xasuuq ku tilmaamay dil ay Cusmaaniyiintu ka gaysteen Armenia

Madaxweyne Joe Biden oo Xasuuq ku tilmaamay dil ay Cusmaaniyiintu ka gaysteen Armenia

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtida maanta ah xasuuq u aqqoonsaday dilalkii badnaa ee xilligii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka gaysatay Armenia.

Aqoonsiga Biden ayaa ah fulinta balanqaadkii ololahiisa doorashada, wuxuuna ku soo beegmay Maalinta Xusuusta Xasuuqa Armenia ee laga xuso Armenia iyo qurba joogta Armenia.

“Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii xilligii Cusmaaniyiinta ee Armenia, waxaanan dib isku xasuusineynaa in aan ka hortagno sidii uusan xasuuqaas oo kale mar dambe u dhicin,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Dadka Mareykanku waxa ay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee ku halaagmay xasuuqii billowday 106 sano ka hor maanta.”

Intii uu waday ololihiisii madaxweynenimo sanadkii hore, Biden ayaa sheegay in uu “taageeri doono qaraar aqoonsanaya xasuuqa Armenia, wuxuuna mudnaanta koowaad siin doonaa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.”

Ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo kala socday labada xisbi ayaa warqad ay Arbacadii qoreen waxa ay Biden ku booriyeen in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee dilalkaasi u aqoonsada xasuuq.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com