Madaxweyne Isaias Afwerki oo oo ka degay Addis Ababa

HomeWararka

Madaxweyne Isaias Afwerki oo oo ka degay Addis Ababa

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk ayaa saaka gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ah uu ka helay Ra’ii

Faahfaahin: Duqeyn ka dhacday gobolka Mudug
Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya oo wax laga waydiiyay heshiiska Berbera
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk ayaa saaka gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ah uu ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Isaias Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda

Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ee Addis Ababa ayaa yimid, maalin kaddib markii Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula kulmay Dhaxalsugaha Maxamed Bin Zayed iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Eritrea ayaa inta uu joogo Addis Ababa waxaa kulamo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal la qaadan doona Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadli doona iskaashiga gobolka iyo xaaladihii u dambeeyay, iyadoo dhowaan dowladda Eritrea ay ku eedeysay dalka Qatar inay faragelin iyo colaad hurin ku heyso dalkeeda, ayna abaabuleyso kooxo islaamiyiin ah oo kacdoon iyo qalqal ka geysta dalkeeda.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed kadib magacaabistii Dr Abiy Axmed ee loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya bishii APril sanadkii 2018, iyadoo labada dal uu u bilowday xiriir cusub, kaddib labaatan sano oo colaad u dhaxeysay.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: