Madaxweyne hore Farmajo oo ka falceliyay khudbadd Sheekh Shariif uu ka jeediyay baarlamaanka

Madaxweyne hore Farmajo oo ka falceliyay khudbadd Sheekh Shariif uu ka jeediyay baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo kamid ah xubnaha sida wayn uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka ayaa ku dhaliilay dowladda hadda jirta arrimaha ammaanka iyo guud ahaan difaaca dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka Soomaaliya , sida uu ku dooday Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka.

Madaxweyne hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartisa Faceboogga ayuu uga falceliyay ishortaag uu sheegay in madaxweyne Sharif lagu sameeyay gudaha baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa waxaa uu u qornaa sida tan:

“Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa sidoo kale yiri”Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com