HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Nairobi kula Shiray Safiirka Switzerland ee Somalia

Isniin, Oktoobar 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ujooga dalka Kenya gaar ahaa Caasimadda dalkaasi ee Nayroobi ayaa waxaa uu kulamo muhiim ah la qaatay Madax katirsan beesha caalamka .

Dawladda Puntland oo soo dhawaysay magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
WARAYSI ku saabsan qarax khasaare geystey oo kadhacay Muqdisho.
Britian iyo Nederland oo Soomaaliya ka caawinaya tayeynta adeegyada socdaalka ee dalka

Isniin, Oktoobar 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ujooga dalka Kenya gaar ahaa Caasimadda dalkaasi ee Nayroobi ayaa waxaa uu kulamo muhiim ah la qaatay Madax katirsan beesha caalamka .

Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Ambassador Langen bacher ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya laba dhinac , iyagoona isla meel dhigay in la xoojiyo xiriirka dhinac kastana layska kaashado.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo xiriira dalkaasi Kenya kula qaadanaya Madax katirsan beesha caalamka oo ay uga wada hadlayaan xaaladda guud ahaan Dalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya beesha caalamka iyo Dawladda Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweynuhu waxaa uu u soo bandhigay horumarka baaxadda leh ee ka soconaya Puntland iyo Nabad gelyada kajirta, taasoo u baahan in la sii xoojiyo si looga mira dhaliya .

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: