Dawladda Puntland oo soo dhawaysay magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Garoowe, Oct 07-? Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysey magacaabista Raysal wasaaraha cusub ee DF Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” oo habeenimadii xalay lagu dhawaaqey.


Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamud Caydiid Dirir oo saxaafada maanta 07 October,2012 kula hadlay Garowe ayaa ku akhriyey bayaan xukuumadda ka soo baxay oo ku aadan magacaabista Wasiirka Koowaad ee DF Somalia.

Warka Puntland ka soo baxay ayaa lagu sheegey inay ka qayb qaateen hirgelintii qorshaha nabada Somalia ”RoadMap” ,waxana ay sheegeen inay Puntland diyaar u tahay sii xoojinta sidii lagu gaari lahaa Dowladda Somaliyeed oo nidaamka Federaalka ku shaqeysa.


Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan halka idiin ku soo gudbineynaa nuqul kamida bayaankii ka soo baxay dowladda Puntland ,waxana uu u qornaa sidatan:


Puntland State of Somalia


Garowe


7 October, 2012


War-saxaafadeed


Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.


Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.


Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.


Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.


Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]
sida:


? Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,


? Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah


? Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya.


? U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.


Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.


-Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL


Diiwaanka Wararka daljir

Silver

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0