Madaxweyne Gaas oo kulan wadaJir ah la qaatay Golaha Wasiirada & Isuduwayaasha Gobolka Sanaag (sawirro)

HomeWararka

Madaxweyne Gaas oo kulan wadaJir ah la qaatay Golaha Wasiirada & Isuduwayaasha Gobolka Sanaag (sawirro)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 Sep 2018 kulan kulayeeshay degmada Badhan Golaha Wasiirada Dowladda Punt

Ganacsatada Somaliland jaadka uga keena Itoobiya oo Shaqa joojin ku dhawaaqay
Taliye Qodhob,”Weerarkii Jeexdin Waxaa Wada Fuliyey Alshabaab iyo Galmudug” (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 Sep 2018 kulan kulayeeshay degmada Badhan Golaha Wasiirada Dowladda Puntlnad iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha dowladda Puntland ee gobolka Sanaag. Kulanka ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay maamulka gobolka iyo kan degmada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Isuduwayaasha Wasaaradaha Puntland ayaa ugu horayn Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka baaxada leh ee xafiisyadoodu ka qabtaan guud ahaan gobolka Sanaag, waxaana ay dhammantood hoosta ka xariiqeen in gobolka ay ka fuliyaan adeeg dowladeed oo rasmi, isla’markaana uu ka hirgalay nadaam dowli ahi tan iyo markii uu Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la wareegay hogaaminta dowladda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa is xog waraysi iyo kala warqaadasho kadib ayaa waxaa uu ku booriyey dhammaan isuduwayasha Wasaaradaha Puntland inay ka shaqeeyaan horumarinta gobolka gaar ahaan degmada, wanaajinta wada shaqaynta maamulka degmada iyo gobolka si loo helo horumar wanaagsan, shaqo hufan iyo wadatashi dhan walba ah.

“Dhammantiin shaqo wanaagsan ayaa u haysaan gobolka, waxaan idinku boorinayaa inay si hufan u qabataan shaqooyinkiina dawliga ah ee masuuliyaddu idinka saaran tahay, gacan ayaan ka geysan doonaa baahiyaha jira ee gobolku u baahan yahay in laga haqab tiro’ ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha, dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta shirka Golaha Wasiirada dowladda Puntland oo ka qabsoomay markii ugu horaysey degmada Badhan ay uga hadlidoonaan xaalada guud ee gobolka, ajandahana ay ku jirto baahiyaha iyo guud ahaan siyaasadda gobolka Sanaag.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


DIRECTORATE OF COMMUNICATION, MOBILIZATION AND CULTURE HERITAGE OFFICE OF THE PRESIDENT PUNTLAND STATE OF SOMALIA


  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: