Madaxweyne Gaas oo Kismaayo ka furay shirka Dawlad Goboleedyada Soomaaliya (sawirro)

HomeWararka

Madaxweyne Gaas oo Kismaayo ka furay shirka Dawlad Goboleedyada Soomaaliya (sawirro)

Madaxweyna Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed C

Xildhibaanka dooran haddii uusan hore sharciga u ilaalin sidee buu berri u ilaalin doonaa? (akhriso)
Nabadoon Yaasiin Cali Cabdi: ”Laascaanood waxba Somaliland uma yaalaan, waana laga saaray
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)

Madaxweyna Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 Sep 2018 si rasmi ah Kismaayo uga furay shirka 3-aad ee iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Shiikh Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Awaare, wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Ambassador Meachel Keating, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, agoon yahano iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa furitaanka kadib khudbad muhiima ka jeediyey shirka iyadoona Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda uu leeyahay shirkani.

“Sharaf ayay noo tahay inaan markale isugu nimaadno shirka golaha iskaashiga dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo looga tashanayo mustaqbalka iyo aayaha Soomaaliya, gaar ahaanna arrimo aannu u aragno inay muhiim yihiin ee ah dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo barashada is dhexgalka dawlad goboleedyada ” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Madaxweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa sii raaciyey”

” in shirkani kusoo beegmay wakhti xasaasiya Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo siyaasadda, xaladdaha noocaas ah ee kala guurka ah, waxaa loo baahan yahay runtii in si adag indhaha loogu hayo, si dhowna looga warqabo, taas ayaa keentay in shirkani uu hadda ku qabano Kimaayo, shirka waxaa diiradda lagu saari doonaa wax ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada, dana hooda khaaska ah, midna waxa weeye tan dowlad goboleedku ay la wadaagto dowladda dhexe iyo ajandaha Soomaaliya labadaba” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariigay in shirkani lagu lafa guridoono arrimaha wada shaqaynta, nidaamka fadaraaliisamka iyo awood qaybsiga khayraadka dalka, isoogoona amuurtaasi ka hadlaya Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxuu yidhi.

” Sidoo kale waxaan rabnaa in shirkan lagu lafaguro, wada hadalladii, heshiisyadii iyo balmadii shaqo ee aan wada galnay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo beesha caalamka labadaba, waxaan qaadanay nidaamka fadaraaliisamka oo inagu cusub, wuxuuna samaynayaa nidaamkaasi awood aqaybsi maadaama dhammaanteen masuuliyadi inna saaran tahay, waxaa la rabaa marka in la wada shaqeeyo in laysku ixtiraamo, layskuna soo dhoweeyo masuuliyadahaas nidaamkaasi inafarayo”. ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawladdda Fadaaraalka Soomaaliya iyo Ambassador Keating ayaa iyana dhankooda si guud iyo si gaaraba uga hadlay muhiimadda shirka, isla markaana waxa ay islaqaateen in Soomaaliya maanta meel wanaagsan marayso mustaqbal ifaya oo dib usoo kabasha ah ay leedahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimaha amaanka Soomaaliya, ka xoraynta dalka argagixisadda, dhisidda ciidamada iyo wada shaqayntooda, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

  

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: