Madaxweyne Farmaajo,”Dowladda Soomaaliya Ayaa Ka Dambaysay Duqaymihii J/Dhexe”

Madaxweyne Farmaajo,”Dowladda Soomaaliya Ayaa Ka Dambaysay Duqaymihii J/Dhexe”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray howlgal lagu dilay 7 ka mid ah Dagaalyahanada Al-shababa oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Howlgalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga.

Dadka lagu dilay howlgalkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sarkaal sare oo ururka Shabaab u qaabilsanaa abaabulka qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay sidii loo ciribtiri lahaa ururka Al-shabaab, wkuwaasi oo dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com