Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud ee G/Banaadir

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud ee G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan i

Khayre oo shacabka dhuusamareeb ku dhirigaliyeey inay dalkooda dhistaan (Daawo)
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine ee Kyiv
Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo sheegay inay kordhin doonaan qorshaha looga hortagayo COVID-19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: