Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo sheegay inay kordhin doonaan qorshaha looga hortagayo COVID-19

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo sheegay inay kordhin doonaan qorshaha looga hortagayo COVID-19

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Madal Caafimaad oo ay soo qaban-qaabisay Agaasinka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdishao ayaa marka hore u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay qorshaha looga hortagayo cudurka safareenka ah ee Coronaviris, sida Wasaaradda Caafimaadka iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howgalla MUQDISHO.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu ntaasi ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu kordhin doono qorshaha looga hortagayo COVID-19 oo dhow bilood ka hor dad badan ay ugu geeriyoodeen magalada muqdisho kuwo kalena uu ku dhacay.

Cudurka COVID-19 ayaa meelaha uu Soomaaliya sida weyn uu u saameeyay waxaa kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana uu sidoo kale uu saameyn ku yeeshay dhaqaalihii soo geli jiray Maamulka Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com