Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay qaraxii Dhanaane

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay qaraxii Dhanaane

bolka Shabeellaha Hoose. "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaa

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
RW khayre oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaarada Maaliyadda iyo Bangiga dhexe (Sawiro)
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 24aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso|daawo)

bolka Shabeellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Abdulqadir Tallman 5 years ago

    Saraakiishan iyo askarta ku le’atay qaraxan waxaa masuul ka ah Farmaajo. Isagaa u hoosaasiyay cadawgooda oo askarta been u sheegay, geliyayna dagaal aanay dawladda Farmaajo daacad ka aheyn. Ciidankana bootada iyo beenta Farmaajo ayey rumeysteen.

    Saa saraakisha iyo askarta Xoogga Dalka Soomaaliyeed laguma soo anqarinin, mana filayaan oo xataa kuma riyoodaan
    taliyihiinaa guud = Commander-in-Chief of all the armed forces =(oo ah madaxweynaha) ayaa cadaw idiin hoosaasinaya.

    Ciidamadan dagaal baa la geliyay iyadoo aan loo dhammeystirin qalabka, saanadda iyo hubka ay u bahan yihiin.
    Ciidamadan taliyahooda guud — Commander-in-Chief oo ah madaxweynaha ayaa ku boorriyay dagaal aanay
    u diyaarsaneyn.

    Kharajkii loogu dhammeystiri lahaa saanaddooda, iyo qalabkooda iyo hubkooda waxaa loo adeegsadaa laaluush iyo faqfaq.

    Arrinkan waa inuu reebaa natiijo uusan mahadinin Khaainka Farmaajo ah oo afar dekadood u saxiixay Itoobiya.

    Khaainka Farmaajo ah oo mujaahid Cabdikariim Qalbi Dhagax u gacan geliyay Tigreeygii dhowaanta la inqilaabay.

DISQUS: