Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi, kaasoo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay Garowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, isagoo uga tacsiyadeeyay geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu caafimaad u rajeeyay dadkii kale ee ku dhaawacmay.

Qaraxii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay Garowe ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo gaariga saarnaa, kuna sugnaa afaafka hore ee saldhigga Dhexe ee Garowe.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliyihii hore qeybta Faarax Galangalooli, kaasoo isna dhaawiciisa lagu daweynayo magaalada Garowe.

Weerarka ismiidaaminta ayaa waxaa sheegtay Xarakada Al-Shabaab, waana weerarkii labaad noociisa oo is qarxin ah oo ka dhaca magaalada Garowe, iyadoo shan sano ka hor sidan oo kale weerar is qarxin uga dhacay Garowe, kaasoo lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0