Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Jabuuti

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Mada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda calan saarka 1-da Luulyo
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo U Hambalyeeyay Ilhaan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: