Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda calan saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda calan saarka  1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0