Madaxweyne Farmaajo oo isugu yeeraya Xildhibaanada Labadda Aqal

Madaxweyne Farmaajo oo isugu yeeraya Xildhibaanada Labadda Aqal

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa warqad codsi ah udiray Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya C/Xaashi C/llaahi iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Warqadan oo ku taariikheysan maanta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalbanayo in la qabto kulan degdeg ah oo ay isugu imanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya 21-ka Bishan oo ku aadan Sabtida soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in Xildhibaanada uu ujeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlayo dareenka Shacabka ee Banaanbixii shalay kaga muujiyeen dadkii lagu laayay Zoobe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com