Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda dalka (sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda dalka (sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshayaasha hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo xoojiyey midnimada, wadajirka iyo yididiillada shacabkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha caalamka aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan daris wanaagga, ixtiraamka shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah, waxa uuna tilmaamay in xiriir ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo dheef wadaag ay Soomaaliya la doonayso in ay yeeshaan dalalka Gobolku.

“Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an in ay ka dhur-sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka.”

Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadallada heer Qaran hadda diiradda lagu saaro xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, tayeynta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo sare u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Dhanka Amniga, Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dhisidda ciidan qalabaysan iyo hay’ado ammaan oo udub-dhexaad ay u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka.

“Sinnaba uma sahlanayn dib u habaynta ballaaran ee aan wadno, balse dadaal iyo ka go’naansho ka dib, waxaan hadda diiwaan gelinney dhammaan Ciidanka Qalabka Sida, waxaan sidoo kale dhawaan soo gebagebaynaynaa baaris lagu wado guud ahaan hay’adaha amniga dalka”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka, dalalka walaalka iyo saaxiibka nala ah sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    WAR KURAASTABA WA LOOGA DAREERAYE 25% BAA FADHIDA.
    WAA SHARAF DHAC WEYN WAXAANA SOMALIYEY INAGAA IS BADNAY!!! 
    IN MADAXWEYNAHEENII MARKUU QUDBADA U ISTAAGAYO LAYSKAGA TAGO OO AAN CIDIBA DHAGAYSAN!!!.
    XITAA JAAMACADA CARABTU WAA SAAS WAA LAYNOOGA DAREERAA DABADEEDNA KURAAS CIDLA’ AH BUU LA HADLAA MASUULKA SOMALIYA METELAYA!!!.
    WAXAAD TAHAY UUN BAA MADAXWEYNAHAAGUNA YAHAY!!!!.
    DAD IS DILAYA,OO IS OGOLAYN,OO IS DIIDAN SAASAA GOLAYAASHA DUNIDA LOOGU BAHDILAA MADAXDOODA!!!.XAQIIQ.OK,UMADDA OGOLAATA FARAGALIN SHISHEEYE SIDAA SOMALIYA AYUUN BAY KU DANBAYSAA!!!.LKN WAXAYNU KU BAXSANAY WAA IIMAANKA LAYNAMA ARKEEN.
    WAXAASE AYAAN DARO AH UMADD AAN WELI WAX KA BARAN WIXII SOO MARAY!WAA MUHIM TAARIIKHDA INAAD WAX KA BARATAA!!!!
    SOMALIYA WAA MASHRUUC…TUSAALE FUDUD:
    WAXAA GAME-ka SOMALIYA GUDAHEEDA KU WADA CIYAARAYA KOOXO ISKA SOO HORJEEDA OO HADANA ISKU KOOX AH OO BANOONIGA DHINAC U WADA WADA.
    KOOXAHAASINA WAA ALSHABAB,CIA,ISIS,MI6,MOSSAD,ISI,& QAAR KALOO BADAN.GAME-kay CIYARAYAANA WAA 3×1=3..
    YAAN BEEN LAYDIIN SHEEGIN WAX XAGJIR,ARGAGAXISO LADHAHAA MA JIRTO,WAXAASE JIRA KOOXO ISU SOO EKAYSIIYA XAGJIR,ARGAGAXISO OO KA AMAR QAATA CIA,MI6,MOSSAD,iwm.
    WAANA OLOLE CAALAMIYA OO DUNIDA MUSLIMKA KU JIHAYSAN OO LA RABO IN LAGU CEEBEEYO DIINTEENA LAGUNA BURBURIYO DUNIDA MUSLIMKA TUSAALANA WAXAA KAAGA FILAN:SURIYA,SOMALIYA,LIBIYA,AFGHAN,YEMEN,CIRAQ,DOORASHADII MASAR,FALASTIN,.
    OK,DUNIDAN KII OOYAYA,QAXAYA EE AAD ARAGTO WAA MUSLIM WAAYO?WAXAA INAGU SOCDA OLOLE MARAYKAN HOR BOODAYO OO AH LICIIFINTA DUNIDA ISLAAMKA.WAANA SIYAASAD MARAYKAN LAFTIISU USOO DHIIBTEEN,KUSOO SHUBTEEN WORLD ZOINESTE ORGANIZETION WZO.(YUHUUD). FIIRI AWAL CRISTANKII & YUHUUDII BAA NA DILAYEY HADA WAXAABA KU SOO BIIRAY OO AY NAGU ILBIXIYEEN WAA BUUDHIISKII,FIIRI CHINE WAXA KA SOCDA & XABSIYADUU USAMAYSTAY CIQAABTA MUSLIIMTA,FIIRI MYANMAR WAXA KA SOCDA EE ROHINGAHA LAGU HAYO(GENOCIDE ROHINGA).,FIIRI INDIAN-ku-INDOOSKU WUXUU KU HAYO MUSLIMIINTIISII.WAA MUHIM INAAD OGAATID MEESHA LAGAAGA YIMI & CIDA KU JECEL,NECEB.WAA MUHIM INAAN DUNIDAN OGAATAAN DHINACAY USOCOTO EE AYDINAAN ISKA DUL SAARAAN SIDA XOOLAHA OOKALE.FAHAMKA AAD FAHAMTAA GUUL AH.
    Fiiro Gaara:
    ALSHABAB+CIA+MI6+AMISOM+UNSOM=ONE.they are Dealers.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISRAEL DID 9/11 & IN SIDE JOB.(9/11 ANTI MUSLIMS).
    OSAMA BEN LADEN STILL ALIVE(BAHAMAS).!.!.!.true story!!!.
    AFBUUXAAN KU DHAHAYAA CADOWGA KOOWAAD EE MUSLIMKA WAA MARAYKAN & ISRAEL.ARGAGAXISADA DUNIDANA WAA IYAGA & KOOXAHOODA AFKA DUUBTA EE AY FANGAREEYAAN IYAGU.
    WE KNOWS.
    ATTENSION:
    TERRORIST ISN’T MUSLIMS & ISLAMICE.100% SURE.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com