Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoogga saaraya sidii looga mira-dhallin lahaa Shirka Wadatashiga Heer Federa

Guddiga dagaalanka musuqmaasuqa oo Warbixin siiyay Guddoomiye Aadan Madoobe
Kal-fadhigii Golaha degaanka Garoowe oo furmay (Daawo)
Xasan Ruuxaani oo Mar Kale Noqday Madaxweynaha Dalka Iiraan

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoogga saaraya sidii looga mira-dhallin lahaa Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowladnimadeenna oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, kana turjumeysa himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: