Madaxweyne Deni “Xukuumadii Cabdiwali Gaas ma aysan fulin heshiiskii dhexmaray DPWORLD iyo Puntland  sanadkii 2017kii” (daawo)

HomeWararka

Madaxweyne Deni “Xukuumadii Cabdiwali Gaas ma aysan fulin heshiiskii dhexmaray DPWORLD iyo Puntland sanadkii 2017kii” (daawo)

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maanta furay kalfadhigii 47aad ee baarlmaanka Puntland ayaa sheegay in uu wax badan ka ogyahay xaaladda Dekedda

Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed Tallman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xildhibaan Dhaashane: “Anigoo xeerdejintii ah baa leh Laascaanood waa in laga helo maamul dadka deegaanku samaystaan.”
Nabadoon Maxamed Cali : “Colaada Wardheer waxaa hurinaya Xubnaha ugu sareeya Maamulka Gobalka Doollo

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maanta furay kalfadhigii 47aad ee baarlmaanka Puntland ayaa sheegay in uu wax badan ka ogyahay xaaladda Dekedda Boosaaso.

Madaxweynaha sidookale carabka ku adkeeyay in uusan fulin Heshiiskii dhexmaray DPWORLD iyo Puntland sanadkii 2017kii.
“Waxaan bilownay khad kunteendhar oo bishii hal mar imaanaya dekedda Boosaaso, kaasi oo qayb ka noqon doona koru qaadista ganacsiga guud ahaan Puntland”. ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni oo ayaa sidookale sheegay in xukuumadu ay arintan xalkeeda ku howlan tahay.

“Waxaa kaloo socda wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan xal u helidda shirkadda DP World, taas oo 2017 ay heshiis rasmi ah ku wareejisey xukuunmaddii inaga horaysay barlamaankii xilligaa jireyna uu ansixiyey”.

Wuxuu ka hadlay sidoo kale Safaradii uu kukala bixiyay qaar kamd ah gobolada Puntland, Arimaha doorashooyinka, Ansixint xeerka ilaalinta Afka Soomaaliga , iyo wax yaabihii uqabsoomay xukuumada intii udhexaysay labada kalfadhi.

kaga bogo arimahaas oo idil khudabdii uu ka jeediyay furitaankii kalfadhigii 47aad ee baarlamaanka Puntland ee maantaan.

Halkan hoose ka daawo khudbada madaxweynaha oo dhan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: