Madaxweyne Deni oo noqday guddoomiyaha Xisbiga Kaah

Madaxweyne Deni oo noqday guddoomiyaha Xisbiga Kaah

Saciid Cabdulaahi Deni ayaa xubnaha xisbiga Kaah maanta u doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha xisbigaas oo ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira Maamul Goboleedka Puntland.

Ergooyin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ka kala yimid dhammaan Gobollada Puntland, ayaa Guddoomiyaha rasmiga ah u doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa isna loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com