Madaxweyne deni oo magacaabis sameyeey

Madaxweyne deni oo magacaabis sameyeey

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 004 ee 24-ka Maarso 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliyayaal.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida La-taliyayaasha Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta.

2- Waxaa Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre) loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com