Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliye kuxigeenada Booliiska ee Gobolada Bari & Nugaal

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliye kuxigeenada Booliiska ee Gobolada Bari & Nugaal

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid tal

Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagtay Garowe
Garaad Maxamed Garaad Cabdillaahi Cali Ciid “Laascanood waxaan kusoo arkay Shacab guryahoodi madaafic lagu garacay.
Madaxweynihii hore ee puntland oo Kulan Saagootin ah Laqaatay Gollihii sii Wasiirada ay isla soo Sheqeeyeen((dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda
Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal
2. Waxaa G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Bari
3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: