Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagtay Garowe

Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagtay Garowe

Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland markii ugu horreysay ka degtey.

Garoonka ayaa waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyne soo dhaweynayay diyaaradda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilo ka hor magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxda shirkadda Ethiopian Airlines, wuxuuna sheegay in uu heshiis la galay shirkadda, duulimaadna ka bilaabi doonto Puntland.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa hore duulimaadyo ugu sameyn jirtey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com