Madaxweyne Deni oo kala diray Golihii Deegaanka ee degmada Boosaaso, Magacaabayna guddoomiyihii degmada iyo kuxigenkiisa (Akhriso)

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo kala diray Golihii Deegaanka ee degmada Boosaaso, Magacaabayna guddoomiyihii degmada iyo kuxigenkiisa (Akhriso)

Boosaaso: 11 March 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Deg

Sidee Looga Gaashaaman Karaa Ciladaha Internetka ee Soomaaliya
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Aaska Qaran ee Marxuum Gen Carays oo aan loo kala harin (daawo)

Boosaaso: 11 March 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
2. Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Ka soo diyaariya barnaamij waxa soo celcesha kala diritaanka galaha deegaanka magaalootiinka puntladn

DISQUS: