Aaska Qaran ee Marxuum Gen Carays oo aan loo kala harin (daawo)

Aaska Qaran ee Marxuum Gen Carays oo aan loo kala harin (daawo)

Madaxwaynaha dowladda Puntland, madaxwanayaashii hore Puntland, saraakiisha ciidamada iyo culimaa’udiin ayaa ka qaybgalaya aaska qaran ee marxuum Gen Cabdulaahi Mire Carays.

Gen. Saciid oo ka hadlay taariikhda marxuumka ayaa sheegay in sanadkii 1948dii  uu dhashay, waxaana uu xilal kasoo qabtay dowladdii dhexe, Puntland iyo SSDFtii oo ahayd jamhaddii u horaysay ee dagaal la gasha dowladdii dhexe ee militariga.

Hooyadiisa marxuumka oo kasoo jeeday qoys magac ku leh Soomaaliya ayaa sidoo kalle ahayd haweenaydii u horaysay ee malcamad quraan ah ka furta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wariyaheena Khadar Cawl Ismaaciil ayaa faahfaahinaya

 

Daawo Warbixin dhamaystiran Aaska Marxuum Gen Carays

Gen Cabdilaahi Cali Mire (Carays) ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Posted by Radio Daljir on Thursday, January 24, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com