Madaxweyne deni oo hambalyo u diray Guddoomiye Madoobe

Madaxweyne deni oo hambalyo u diray Guddoomiye Madoobe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Mudane Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe).

“Waxaan u hambalyeeynaya Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS Mudane Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), waxaan u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday xilli uu dalkeenu u baahanyahay in laga gudbiyo marxalad adag.

Caawa waa habeen ku weyn ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, waxaana rajaynaya isbedelka ka dhacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, in uu bar-bilow u noqdo isbedel guud oo dalkan samatabixiya.

Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad dhammaan u dhabar adaygteen shaqo masiiri ah xili aad soomantihiin idinkoo ku dhex afuray kuna dhex suxuuranaya gudashada waajibaadka idinka saaran Qaranka.

Waxaan inoo rajeynayaa in sidoo kale in Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Gobolaha Shacabka JFS, ay inoogu dhammaato si wanaagsan.

Soomaaliya
Ha guulaysato,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com