Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Maxjarka Xoolaha ee degaanka Daarasalaam

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Maxjarka Xoolaha ee degaanka Daarasalaam

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay Maxjarka Xoolaha ee deegaanka Daarasalaam, oo noqonaya xarun lagu xan

Muqdisho 27 Sano Kadib Diyaarad Rakaab ah oo Sida Shacab ayaa Kasoo dagtay (dhegayso)
Guddiga madaxa Banaan ee dastuurka oo sheegay in faragalin lagu hayo (dhegayso)
MUQDISHO: Midowga Musharaxiinta oo beesha Caalamka u gudbiyay talobixin ku saabsan qabashada doorashada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay Maxjarka Xoolaha ee deegaanka Daarasalaam, oo noqonaya xarun lagu xanaaneeyo oo lagu hayo Xoolaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Kastamka Daarasalaam oo ah Bar-xuduudeedka Puntland iyo Ethiopia ee deegaankaasi iyo Saldhiga Daarasalaam.

Madaxweyne Deni intuu ku sugnaa Daarasalaam wuxuu xariga ka jaray MCH-ka deegaanka, isagoo sidoo kale daaf-furay Iskuulka deegaanka oo la balaariyey.

Ugu danbeyna Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Daarasalaam

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: