Guddiga madaxa Banaan ee dastuurka oo sheegay in faragalin lagu hayo (dhegayso)

Guddiga madaxa Banaan ee dastuurka oo sheegay in faragalin lagu hayo (dhegayso)

Munaasabad maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa lagu wareejiyay qeybtii ugu horeysay ee Howlaha dib u-eegista Dastuurka,munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay guddiga la socodka Dastuurka ee labada aqal ee Baarlaamaanka,Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wasiirka Dastuurka

Howlaha Geedi socodka dib u-eegista Dastuurka ayaa madashaa lagu soo bandhigay

Gudoomiyaha Gudiga Dibu eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax “aaya sheegay in maanta Gudiga lasocodka Dastuurka ay ku wareejiyeen qeybtii ugu horeysay ee dib u-eegista labaad ee Cutubyada Dastuurka Qeybtaas oo ah Shanta Cutub ee ugu horeysa Dastuurka KMG” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaas ayaa ka sheekeeyay heerarka kala duwan uu marayo qabya tirka Dastuurka KMG,waxaana ay isla qaateen mas’uuliyiinta in ay muhiim tahay dedejinta dibu eegista Dastuurka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com