Madaxweyne Deni oo cafis madaxweyne u fidiyay Maxaabiis ku eedeesnaa dambiyo kala duwan

Madaxweyne Deni oo cafis madaxweyne u fidiyay Maxaabiis ku eedeesnaa dambiyo kala duwan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.
Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com