Madaxweynaha Turkiga oo ku dhaawaqay in bandow lagu soo rogi doono dalkaas Maalmaha Ciida

HomeWararka

Madaxweynaha Turkiga oo ku dhaawaqay in bandow lagu soo rogi doono dalkaas Maalmaha Ciida

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu bandow ku soo rogay maalmaha ciidda dhammaan gobolada dalkaas, laga bilaabo maalinta

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Daahir Aw-muuse: “Doodaan waxaan u qabanay in tixgelinta haweenka Puntland
Jowhar: Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo la magacaabay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu bandow ku soo rogay maalmaha ciidda dhammaan gobolada dalkaas, laga bilaabo maalinta Sabtida ee soo socota, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Erdgan ayaa ku dhawaaqay in bandowgan uu socon doono muddo afar maalmood ah, laga bilaabo maalinta Sabtida ee soo socota, isla markaana ku eg Talaadada, si loo hakiyo isu imaatinta dadweynaha ee maalmaha Ciidda.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay dadweynaha inay u hoggaansamaan bandowga maalmaha ciidda lagu soo rogay, ayna dhaqan geliyaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka ay da’dooda ka weyn tahay 65 sano loo ogol yahay inay socdaan lixda saacadood ee u horeysa maalinta ay kow tahay Ciidda.

Waxaa kaloo uu sheegay in masaajidada lagu dukan karo Salaadaha jamaacada sida duhurka iyo casirka oo kaliya mudada uu socdo bandowga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: