Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay la taliye Sare

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay la taliye Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo noqday Wasiirkii amniga ee Xukuumaddii Xilgaarsiinta ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com