Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, halkaas oo la sheegay in uu khudbad ka jeedin doono, taas oo uu kaga hadli doono arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh kulamo muhiim la yeelan doona hoggaanka dalka Turkiga oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha dalkaas, iyaga oo ka wada hadli doona dhameysitirka heshiiskii difaaca ee labada dal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com