Madaxweynaha Somaliland oo safiiro u magacabay dalal dhowr ah (Warsaxafadeed)

HomeWararka

Madaxweynaha Somaliland oo safiiro u magacabay dalal dhowr ah (Warsaxafadeed)

Madaxweynaha Soomaaliland,Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliy

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Kooxo hubeysan oo wiil iyo Aabihiis ku dilay Galgaduud
Madaxweynaha Galmudug oo kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha Soomaaliland,Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

Wareegtada ayaa waxa ay u qorneyd sidatan:-

Wareegto Madaxweyne Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.

2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.

4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .

5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: