Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Baxay Sucuudiga iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Socdaalkiisa

Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Baxay Sucuudiga iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Socdaalkiisa

Madaxweynaha dowladda Puntland oo saaka safar cirka ah ugu kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inuu goor dhoweyd diyaarad gaar ah ka raacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas oo ku wajahan dalka Sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa inuu sanadkaan kamid noqon doono xujayda soo gudanaysa waajibaadka Xajka, isagoona sidoo kale kulamo lafilayo inuu la qaadan doono madaxda dalka boqortooyada Sucuudiga.

Socdaalka madaxweynaha dowladda Puntland ee Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya xilli maalinimadii shalay dowladda Puntland ku dhawaaqday inay garab taagan tahay taageersan tahayna go’aankii Sucuudiga iyo xuluufadiisu ka qaateen wadanka Qadar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0