Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sool.

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gob

Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo ku dhaawacmay qaraxii Dhuusamareeb (dhegayso)
Maxamuud Shido: “Qofkii dimoqraadiyad ka shaqeeya waa mid Puntland burburinaya
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk Ayaa Xabsi Guri La Geliyay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay : Baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Ciidanimo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: