Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Hantidhowrka Guud (Akhriso)

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Hantidhowrka Guud (Akhriso)

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu Magacaabay Hanti-dhowraha guud Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya Somaaliaya
MAANHADAL: Khilaafka ka taagan waxkabadelka dastuurka iyo badelista qaab dhismeedka dawlanimada
8-Ruux ayaa ku dhintay, halka 17 kale ay ku dhaawacmeen qaraxii Muqdisho

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu Magacaabay Hanti-dhowraha guud Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland , kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulkaas.

Hoos Ka Akhriso wareegtada Magacaabista ee uu soo saaray ee Madaxweynaha Maamulka Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee

Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Maamulka Puntland
Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Puntland
Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka
Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland
Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda
Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • this is the worst letter that is going out this house. so the governor Dani is frailer

    this administration and also mislead for the population of puntland.

DISQUS: