Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan.

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaa

Waxgaradka Puntland oo soo dhaweyeey Shirka Wadatashiga ee Garoowe ka furmay (dhegayso)
Fah faahin: Taliyaha Booliska Gobalka Mudug oo ka hadlay Qarax lagu dilay Taliye Saldhig (dhegayso)
Soomaali kasoo carartay colaadda ay ku haysay Oromada Itoobiya oo soo gaaray Caabudwaaq (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Dowladda.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

2. Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

3. Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

4. Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

5. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: