Madaxweyne Mustafe Cagjar oo maanta booqon doona degmada Tuli Guuleed ee gobolka Faafan

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo maanta booqon doona degmada Tuli Guuleed ee gobolka Faafan

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafti ay kamidyihiin Wasiirka Illaallinta Deegaanka, Mudane Axmed Deeq, ayaa maanta la filayaa in ay booqasho ku tagaan degmada Tuli Guuleed ee gobolka Faafan.

Socdaalka Madaxweyne Cagjar ayaa noqon doona kiisii ugu horreeyey ee uu ku tago degmada Tuli Guuleed.

Tuli Guuleed oo Jigjiga u jirta wax ka yar 30 KM dhanka galbeed waxaa ka xiga Jinacsani, waana magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS. Laakiin Tuli Guuleed waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyey weerar ku ahaa qowmiyadda Oramada, ayada oo dad badan ku naf waayeen, lagana qaxay badanaa degmooyinka hoostaga Tuli Guuleed.

Bishii la soo dhaafay ee Siteenbar waxaa magaalada saldhigyo milatari ka sameystay ciidamada fadaraalka Itoobiya, waxaana badanaa degmada soo gala maleeshiyaadka Oramada, ma jirin wax isku dhac ah oo dhexmaray ciidamada fadaraalka iyo maleeshiyaadka Oramada.

Tan iyo heshiiskii asbuucii hore la dhexdhigay labada dowlad deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta, waxaa rajo weyn laga qabaa in heshiis waara uu dhexmaro Soomaalida iyo Oramada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir DDS

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com