Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Agaasimaha hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Agaasimaha hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Muqdisho ka daggan yahay maanta ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddah

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo Qaabilay Masuuliyin ka socda Hay’adda HALO (Sawiro)
Cabudwaaq Barakacayaal ayaa daljir uga waramay xaladooda nololeed (dhegayso)
“Waxaanu nahay Soomaali, waxaana u dhimanaynaa midnimada Soomaaliya; Abwaan Jaamac Kediye iyo dadkii kale ee dhintay waxey u dhinteen Soomalinimo”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Muqdisho ka daggan yahay maanta ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee DFS Gaashaanle Sare Maxamed Aadem Koofi.

.Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil (Fu’aad)

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka iyo tan Maamulka Puntland, gaar ahaan dardar gelinta howlaha Hay’adda ee Xafiiska Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho kadib markii uu dhowaan yimid isagoo ka mid ahaa madaxda ka qeybgalaysay shirka wadatashiga doorashooyinka dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: