Madaxweynaha Puntland oo Korjoogteeyey Shaqada Wasaaradda Maaliyadda, Gaar ahaan Waaxda Dejinta Miisaaniyadda

Madaxweynaha Puntland oo Korjoogteeyey Shaqada Wasaaradda Maaliyadda, Gaar ahaan Waaxda Dejinta Miisaaniyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa korjoogteeyey shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, gaar ahaan waaxda dejinta miisaaniyadd dowladda ee sanad laha ah.

Madaxweyne Deni oo ay ka go’an tahay u kuurgelidda iyo kor joogtaynta shaqada balaadhan ay dowladdu u qorshaysay sare u qaadidda dakhliga dalka iyo qaabka ay u socoto shaqada Wasaaradaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenada, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xisaabiyaha Guud ee dowladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiinta Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda, kulan ayaa looga gollahaa hubinta miisaaniyadda oo dhowaan la horgayndoono Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) ayaa ka warbixiyey korjoogtaynta shaqo ee Madaxweynuhu ku tegey Wasaaradda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com