Madaxweynaha Puntland oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Ciidamo Katirsan Booliska Gobalka Bari

Madaxweynaha Puntland oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Ciidamo Katirsan Booliska Gobalka Bari

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 October 2017 gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo PMPF ee cidamada badda Puntland, waxaana ay ciidanka ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley oo tiradoodu dhammayd 64 askari.

.Munasibadda abaalmarinta ciidanka oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, taliska qaybta gobolka Bari, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolkaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland meel kastay joogaanba, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in maanta ciidamada lagudoosiinayo abaalmarintani ay yihiin kuwo hawl galo gaara ka fuliyey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isla markaana gacanta ku dhigay iyagoo is garabsanaya fal-denbiyeedyo tiro badan oo ay soo abaabuleen sharwadayaasha Al-shabaab.

” Xafladdani waxay si gaara u khusaysaa dadkii qabtay fal-denbiyeedkii ay soo abaabuleen sharwadayaashu ee ahaa qaraxyadii loosoo abaabuley dadka reer Puntland in lagu laayo, gaar ahaan shacabka Boosaaso, ciidankii ka hortegey qabtay ku guulaystey weeye munaasibaddani, taas micneheedu ma aha labadan ciidan ee meesha joogaa inay kuwa kale ka hawl karsanaayeen ama ay ka hawl badan yihiin” ayuu yiri Madaxweyuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ciidamada Puntland markasta u diyaarsan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawgooda, in badan oo kamidda ciidamada qalabka sida ee Puntlandna ay saacaddan lajoogo ku jiraan hawlgallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalkooda.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com