HomeUncategorized

Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari oo ka qaybgelaya shirka gaashaanbuurta Nato ee ka dhacaya dalka Maraykanka

Chicago, May 16 - Madaxweynaha dalkaasi Pakistan Asif Ali Zardari ayaa la sheegay in uu ka qaybgelayo shirka xulufada Nato ay ku yeelanayaan magaalada Chicago ee dalkaasi Maraykanka, sida uu sheegay diblomaasi Pakistani ah oo ku sugan safaaradda Pakistan ee magaalada Washington.

Madaxweynaha Soomaaliya oo taageeray qoondada haweenka ee 30%.
Shirkii Sirta oo goor dhawayd qoddobo Soomaaliya khuseeya laga soo saaray. [Akhris …]
FOA iyo ASAL oo bulshada iyo beeralayda Bari ku dhiiri-gelinaya isticmaalka dalaga beeraha (MAQAL)

Chicago, May 16 – Madaxweynaha dalkaasi Pakistan Asif Ali Zardari ayaa la sheegay in uu ka qaybgelayo shirka xulufada Nato ay ku yeelanayaan magaalada Chicago ee dalkaasi Maraykanka, sida uu sheegay diblomaasi Pakistani ah oo ku sugan safaaradda Pakistan ee magaalada Washington.

Shirka Nato ee ka dhacaya dalkaasi maraykanka ayaa lagaga arrinsanayaa arrimaha murugsan ee dalkaasi Afghanistan,

Isbahaysiga Nato iyo dalkaasi Pakistan ayaa kaalin weyn ku leh siyaasadaha dalka aan deganayn ee Afghanistan.

Qorshaha uu Madaxweyne Zardari kaga qaybgelayo shirka Nato ayaa muujineysa sida uu u soo hagaagay xidhiidhka Maraykanka iyo Pakistan ,iyadoo Paksitan ay dhowaan fasaxday sahayda loo wado ciidmada caalamiga ah ee ka hawlagala dalkaasi Afghanistan.

Xidhiidhka Maraykanka iyo Pakistan ayaa xilliyadii ugu dameeyey sii xumaanayey,kaddib markii maraykanku uu si joogto ah ugu eedaynayey dalkaasi Paksitan inay gacan siiso kooxaha xagjirka ah ee kacdoonka ka wada dalkaasi Afghanistan.

Abdirashid Musse
Radio Daljir
Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: