FOA iyo ASAL oo bulshada iyo beeralayda Bari ku dhiiri-gelinaya isticmaalka dalaga beeraha (MAQAL)

Boosaso, September 11, 2013 – Hay?ada cunada iyo beeraha Qaramada Midoobey ee FAO iyo ururka arrimaha beeraha ee ASAL, ayaa maanta tababar balaaran oo dhanka cunto karinta ah u bilaabay haweenka beeralayda ah ee gobolka Bari, tababarka ayaa soconaya 10 maalmood.

Tababarkan loo qabtay haweenka u badan beeralayda gobolka Bari, wuxuu qeyb ka yahay qorshaha Hay?ada FOA iyo ururka ASAL ay ku dhiiri-gelinayaan in la isticmaalo dallaga beeraha gobolka ee horusocodka lagu sameeyey.

Muuse Faarax Aadan oo ka mid ah madaxda ururka arrimaha beeraha ka shaqeeya ee ASAL, ayaa goobta ka sheegay in tababarkan loogu talo-galay dumarka beeralayda ah si ay u isticmaalaan dallaga beeraha, iyadoo loo marayo jidka cunta karinta noocyadeeda kala duwan.

Hay?ada FOA ayaa sheegtay in ay wakhti dheer ku dadaalaysay sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka beeraha gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan gobollada Puntland iyadoo ay haatan sii kordhayaan beeraha iyo wax soo saarkooda dhanka gobolka Bari.

? Marxalado badan ayaa la soo maray, si dadka loogu sheego in ay beero yeeshaan, oo haddana beeraha horumar ka sameeyaan, haatan waxaan maraynaa in aan dadka barno kuna dhiiri-gelino Isticmaalka dallaga beeraha? ayuu yiri Madaxa Hay?ada FOA ee gobolka Bari Cabdulaahi Saalax Maxamuud.

Ururka ASAL ayaa dhowaan beeralayda degmada Boosaaso iyo deeganada ku dhow wuxuu u qeybiyey qalabka beeraha oo ay ku jireen Matooro, waxaana la siiyey qalabkaasi 13 kooxood oo ka mid ah beeralayda degmada, si loogu dhiirado in la soo saaro cunto wanaagsan oo deegaanka u baxday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: War-bixin uu ka diyaariyey weriyaha daljir Boosaaso Axmed Nuune

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com