Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israa’iil

HomeWararka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israa’iil

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa maanta ka dagey Israa'iil Socdaalkii koowaad Safar uu ku marayo Gobalka Bariga dhexe, Waxaa lafilayaa inuu boo

Warbixinta Tartan & Tacliin: Muntada Sare Burtinle fkf Mubaarak Sare Dhahar (dhegayso)
Madaxweynihii Horre Puntland Faroole oo ka shekayaay Taarikhda Garoonka Cusub ee Garowe (dhegayso)
C/raxmaan C/shakuur: Waxaa jira Xildhibaano Olole ugu jira muddo kordhin loo sameeyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa maanta ka dagey Israa’iil Socdaalkii koowaad Safar uu ku marayo Gobalka Bariga dhexe, Waxaa lafilayaa inuu booqdo Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Socdaalka Biden ee Gobalka ayaa kusoo aaday xili xiisadaha adduunka gaar ahaan yurub ay meel adag marayso kadib Dagaalkii Ukraine uu Ruushku ku qaaday kaas oo abuuray xiisad caalami ah.

Safarka Madaxweynaha Mareykanka ee Dalalka Carabta ayaa la fahamsan yahay in arrimaha ugu badan ee uu kala hadlayaa inay tahay Dagaalka Ukraine, Cunta-yarida adduunka soo food saartay iyo Shiidaalka oo Dalalkan qani ku yihiin iyo in uu ku qanciyo inay dheega saaraan xulufada reer Galbedka xiligan adag.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: