Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa ay ka wda hadleen danaha labada dhinac, adkaynta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada.

Ugu danbayn Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo, iyaga oo halkaasi kulamada kasii wadi doona.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com