Madaxweynaha Maamulka Galmudug  oo la kulmey Saraakiishii Ciidanka Ahlusunna

HomeWararka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la kulmey Saraakiishii Ciidanka Ahlusunna

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa kulan gaar ah la qa

Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Puntland oo laga dalbaday dib u howlgalinta golihii degaanka Buhoodle (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa kulan gaar ah la qaatey Saraakiishii Ahlusunna Waljamaaca ee Horaantii todobaadkan Sheekh Shaakir uu wareejiyay.

Kulankan ayaa looga hadlay kaalinta Ciidamadan ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Arrimo kale.

Saraakiisha oo ka kooban dhamaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaadey in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka qaran ee laga sugayo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhankiisa Saraakiishan ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah looga saaro deegaanada ku jira Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: