Madaxweynaha Koonnfur Galbeed oo ka hadlay qarixii lagu dilay Wasiirka

Madaxweynaha Koonnfur Galbeed oo ka hadlay qarixii lagu dilay Wasiirka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed oo maanta lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu Xilalka kala Duwan uu qabtay sida uu ugu Adeegay Bulshada Soomaaliyeed,hada oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaagsan uga qeyb qaadanayey U-adeegida Bulshada Koonfur Galbeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu ubooga dhayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com