Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir gudoomiyeey kulan Amniga loga hadlayeey

HomeWararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir gudoomiyeey kulan Amniga loga hadlayeey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay

Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray RW cusub ee Somaaliya
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Fiidnimo C/naasir ibraahim maxamed, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga,Saraakiisha laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan.

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Qaar kamid ah saraakiisha Laamaha Amniga, waxaana ay sheegeen in Ciidanka Habeen iyo Maalin ay ku jiraan Howlgalo lagu sugayo Amniga degaanada Koonfur Galbeed lagagana hortago falalka ay Al-Shabaab ka geestaan Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga uga Mahadceliyey dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Amniga waxaana uu kula Dardaarmay inay sii xoojiyaan Dadaalka lagu sugayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: