Madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafti uu xoggaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madax dawladda ah iyo mudanayaal baarlamaan ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeeyey madaxweyne Laftagareen xubnaha wafti ee uu hoggaaminayey.

Imaanshihiisa Muqdisho, ayaa ku soo aaddaysa xilli ay isla Muqdisho ka socoto qabanqaabada doorashada guddoomiyayaasha labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya iyo kuxigeennadooda, taasoo kala dhacaysa 26 iyo 27 bishaan aynu ku jirno ee April.\

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa isna ku wajahan Muqdisho oo ah madasha doorashada dalka, waxaana xusid mudane Deni in uu ka qorshe duwanyahay madaxda dawlad goboleeddada ee Xamar imaanaya ama tagey, maadaama isagu uu shaaciyey in uu yahay musharrax madaxweyne oo dawladda federaalka ah bishii hore ee Maarso.

Doorashada dawladda federaalka ee kalkaan, ayaa ah middii ugu jiitan dheerayd oo dalka soo marta, muddo sannad iyo dheeraad ah ayay ka dib-dhacsan tahay xilligii sharciga ahaa ee ay ku muddaysnayd, kaasoo ahaa siddeeddii bishii Feebaraayo ee sannadkii 2021-kii.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com