Madaxweynaha Kenya William Ruto oo xil Sare u magacaabay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo xil Sare u magacaabay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee dalkaas Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes.

“Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas,” ayuu yiri Ruto.

“Waxaan u sheegayaa saaxiibadeena gobolka, marka ay noqoto Kenya, waxaad haysataan saaxiib la isku haleyn karo, waxaana xiiseynayaa inaan sii xoojinno guulihii ay soo hoyeen hoggaamiyeyaashii naga horreeyey.”

Kenyatta ayaa isna si xooggan u muujiyey inuu diyaar u yahay xilkaas, xilli maanta uu ka baxay madaxtooyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com