Madaxweynaha Jubbaland oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Al-Shabaab lagaga saarayo deegaannada Jubbaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgallada dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Wasiirka Difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa booqan doona Xarumaha Ciidamada Kenya ee howlgalka ATMIS kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose, isaga oo saraakiisha kala hadli doona habka loo bilaabayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com